Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waalidiintaan oo maanta  nagu soo booqday Xarunta Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan xoogan ka muujiyay Caruurtooda oo ay sheegeen in si Sharci darro ah ay ugu xiran yihiin  Xabsiyo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Aabo Tahliil Maxamed Barre ayaa sheegay in Wiilkiisa oo 16 Jir ah si sharci darro ah loo xukumay laguna soo oogay Kiis uusan wax shaqo ah ku lahayn sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaciisa Aabo Maxamed  Ismaaciil Xaaji Abiikar ayaa isna sheegay in uu ka xiran yahay Wiil Arday Jaamacadeed ah  isagoona ugu baaqay Madaxweynaha in uu wax ka qabto Cadaalad darrada ka jirta dalka islamarkaana khudbadiisa sanadlaha ah uu uga faa’ideyo.

Aabo Xaaji Cali Axmed Iimaan  ayaa isna tilmaamay in uu  ka xiran yahay wiil uu dhalay oo Farsamo Yaqaan ahaa kaas oo uu sheegay in lagu Xukumay 10 sano oo xarig ah islamarkaana haatan munasabada sanad guuradiisa aawgeed uu Rajo fiican ay ka qabaan in Caruurtooda loo soo daayo.

Ugu dambeyn Aabo Maxamed Cali Kheyre oo ka mid ah waalidiintaasi dhibanayaasha ah in Wiilkiisa oo 6 sano lagu xukumay uu haatan ku sugan yahay Xaalad Caafimaad darro oo aad I liita inta ay goor goor tahay laga gaaro loona ogolaado in uu daweysto ama loo soo daayo.