Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Waalidiinta iyo Xaasaska Askar ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda kuwaa oo ku dhintay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta soo booqday Xarunta Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho iyagoona baaq u diray Dowladda Soomaaliya.

Waxaana ay Dowladda Soomaaliya ugu baaqeen in Xaqooda la siiyo Caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Askartii ku dhimatay Dagaallo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo kuwa siyaaba kale loo dilay.

Nuur Shiikh oo ka mid ah waalidiinta Maanta Shabelle soo booqday ayaa sheegay in laga goostay Lacag dhan 100 Doller oo la siin jiray Agoontii ay ka tageen Askarta geeriyootay haatana laga soo saaray Guryihii ay daganaayeen kadib markii ay bixin waayeen lacagta ijaarka.

Hibaaq Cali Maxamed waa Hooyo heeysato 8 caruur ah waxaana Seygeeda oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda lagu Dilay Magaalada Muqdisho iyadoona ilmeyneysa ayey sheegtay in wax xaquuq aysan ka helin Dowladda Soomaaliya.

Waxaana ay intaa ku dartay in haatan Caruurteeda ay dayacanyiihin aysana jirin cid ku gacansiiso korintooda,Dowladda Soomaaliya ayeeyna ka codsatay in wax ay u qabato.

Leylo Nuur Cabdulle ayaa dhiniceeda sheegtay in Wiilkeeda uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida uuna ku geeriyooday Dagaal xili uu gurmad u socday waxaa ayna intaa raacisay in haatan laga jartay xaquudii wiilkeeda oo ay qaadan jirtay.

Wiilkeeda ayeey sheegtay in uu korin jiray 3 Caruur ah oo isaga la dhalatay iyadoona ka codsatay Dowladda Soomaaliya in xaquuqda Wiilkeeda la siiyo.