Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay geerida Xilldhibaan Cabdiwali Maxamed Ibraahim, kaasi oo lagu dilay Qarax gaarigiisa loogu xiray oo galabnimada Khamiista ka dhacay Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedkan Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa tacsi loogu diray qoyska uu Xilldhibaanku ka baxay, waxaana ALLE looga baryay inuu naxariistiisa siiyo.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Qaraxa lagu dilay Xilldhibaan Cabdiwali, kaasi oo imaanaya xili laamaha amniga ee dowladda ay ku howlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad-gelyada caasimadda.