Muqdisho ( Sh. M. Network )- Iyadoo muddo toddobaad ah hakad uu ku jiray isku socodka gadiidka dadweynaha ee Isgoyska Zoobe ayaa maanta waxaa dib u furmay Wadaadaasi oo muhiim u ah isticmaalka shacabka Magaalada Muqdisho.

Waxaana dib u dhis ballaaran lagu sameynayaa dhismoyinkii ku burburay qaraxii xooganaa ee 14 kii bishan ka dhacay Isgoyskaasi

Qaar ka mid ah dadweynaha ku Ganacsada Zoobe iyo shacabka isticmaala halkaasi ayaa soo dhaweeyay in dib loo furo wadadaasi.

Sabtidii la soo dhaafay ayay ahayd, markii qarax xoogan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee degmada Hodan, halkaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad fara badan oo shacab ahaa.