Garoowe ( Sh. M. Network )-Wafdigii u horreeyay ee Aqalka Sare BFS ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, kadib markii dhawaan Goluhu ay soo saareen liiska xubnaha tagaya xarumaha shanta maamul goboleeddalka, si ay xal ugu raadiyaan khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wafdigan oo ka kooban 10 Senator iyo laba howlwadeen ayaa saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana Garoowe ku soo dhaweeyay wafdigan Senator C/raxmaan Faroole oo guddoomiye u ah xubnahaasi.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ah sidii ay xog dhab ah uga keeni lahaayeen tabashada maamulka Puntland uu ka qabo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaana inta ay ku sugan yihiin magaalada Garoowe ay la kulmi doonaan Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas.

Senatorada maanta gaaray Garoowe ayaa kala ah:-

Maxamed Cusmaan Faarax, Maxamuud Axmed Mashruuc, Saciido Xasan Cusmaan, Xuseen Sheekh Maxamuud, Cumaan Axmed Macow, Ilyaas  Cali Xasan, Bootaan Barre Samatar, Bilaal Idiris Cabdulaahi iyo Farxaan Cali Xuseen

Sidoo kale waxaa wafdigan qeyb ka ah labo howlwadeen oo lagu kala magacaabo Maxamed Xasan Muuse iyo Saabiriin Xasan Garabey .