Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sida lagu sheegay War Saxaafadeed ka soo baxay AMISOM wafdi ballaaran oo ka socda Midowga Afrika ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdigani oo ka kooban 10 xubnood oo k atirsan qeybta taageerida nabbada iyo howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa u jeedka ay u imaadeen lagu sheegay in kulamo looga hadlayo sidii AMISOM ay ammaanka guud ee dalka ugu wareejin lahayd Ciidamada Xoogga Dalka ay la qaadan doonan saraakiisha sare sare ee AMISOM, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaal ka Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga ayaa la sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan Safiirada Muqdisho u fadhiya Wadamadda  Ciidamada ugu deeqay Soomaliya.

Kulanka oo socon oona muddo 4 cesho ah ayaa waxaa laga gorfeyndoona sida ugu Wanagsan ee Ciidamada AMISOM ay ammanka dalka ugu wareejin karaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.