Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wafdi ka socda qeybta xuquuqda aadanaha ee Midowga Afrika ayaa soo gabagabeeyay booqasho ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ururkaasi.

U jeedka wafdigaasi ayaa lagu sheegay in ay u kuur galayeen sida Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay u u dhowrayaan xuquuqda aadanaha iyo sharciga ban’,aadinimada.

Wafdiga oo uu hogaaminayay madaxa xuquuqda aadanaha ee Midowga Afrika Dr Solomon Ayele ayaa waxaa ay booqdeen qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Waxaana intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho ay kulamo la qaateen madaxda ugu sarreysa ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Mas’uuliyiintaasi ayaa waxaa madaxda midowga Afrika kala hadleen sida ciidamada AMISOM ay ula dhaqmaan dadka rayid ah iyo waliba ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Wafdigaasi ayaa waxaa sidoo kale ay baaritaano ku sameeyeen gabood falada lagu eedeeyo Ciidamada AMISOM ee ka howl gala Soomaaliya.

Qaar ka mid hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa horay u sheegay in Ciidamada AMISOM ay tacadiyo kala duwan ka geysyteen qeybo ka mid ah Soomaaliya.