Jowhar (Sh M Network)—Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Saciid Faarax Jux ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Wafdiga Wasiir Juxa ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka diray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, si loo xaliyo xiisada siyaadeed ee ka dhex jirta Maamulka Hirshabelle.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in Caawa kulamo hordhac ah uu la qaato Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabelle gaar ahaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa maalmo ka hor shaaciyay in xil ka qaadis ku lagu sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, kaasi oo isna diiday go’aanka Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dooneysa in haatan xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Maamulka Hirshabelle.

Kala soco www.radioshabelle.com waxii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo