Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaanshaandhiga ee dowladda Turkiga, Nurettin Canikli ayaa la filayaa inay maalinta Berri oo ah Arbaco ay soo gaaraan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa la filayaa inay si diiran ugu soo dhaweeyaan caasimada dalka, iyada oo kadib kulamo la qaadan doona masuuliyiinta dhigooda ah oo ay arrimo badan ka wada hadli doonan.

Qodobada ay isla soo qaadi doonan waxaa kamid ah arrimaha amniga iyo sidii loo xoojin lahaa cilqaadkaad dhinacaasi ee labada dowladood oo xiriirkooda uu haatan yahay mid aad u wanaagsan.

Dowlada Turkiga waxay kamid tahay dalalka taageera xukuumada Soomaaliya xili ay dalka ka fuliso mashaariicyo kala duwan oo muhiim ah, iyadda oo Muqdisho ka dhistay Saldhiga ugu wayn oo ay ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda.