Muqdisho (Sh. M. Network)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xuukumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay Wajiga 2 aad ee shirka dib u heshiisiinta, oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Shirka masuuliyiin ay ka mid ahaayeen ra’sul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin ka socday maamul Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Saciid Faarax ( Juxa ) oo ka hadlay Shirka ayaa sheegay in Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ay u furantahay Madashan Dib u heshiisiinta.

Sidookale ra’sul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar ) oo hadal ka jeediyay shirka ayaa shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in umadda Soomaaliyeed ay is cafiso, si loo helo dib u heshiisiin Waarta.

Shirkaan ayaa daba socda shirweyne ka dhacay Magaalada Muqdishi intii u dhaxaysay 13 ilaa 17 June ee Sanadkaan, kaas oo looga hadlay Arrimaha dib u heshiisiinta Dalka.