Balanballe ( Sh.M.Network):-Tiro dad shacab ah ayaa ku sumoobay Neef Geel ah oo ay qasheen Hilibkiisa xilli la sheegay in Neefka Hilibkiisa lagu sumoobay uu ahaa mid Xanuunsan.

Dadka Sumoobay ayaa loo kala qaaday Isbitaallo ku kala yaalla Magaalooyinka Guriceel iyo Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug Jaamac Xeyle Maxamed oo Shabelle ay qadka Teleefanka kula xiriirtay ayaa ka warbixiyay Xaaladda Caafimaad illaa 7 qof oo Isku Qoys ah kana mid ahaa dadkii ku sumoobay Hilibkaas oo la keenay Isbitaalka Degmada Balanballe.

“ Hooyo iyo Caruurteeda oo wada miir la’ ayaa la keenay Isbitaalka Balanballe , dhaqaatiirta ayaa dadaal Caafimaad ku bixiyay hadda Alla Mahaddii Miirkii waa u soo noqday , xaaladoodana waa ay ka soo reyneysaa” sidaas waxaa yiri Mr Jaamac Maxamed Xeyle Guddoomiyaha Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.