Dhowr Qarax ayaa waxa ay ka dhaceen Afaafka hore iyo dhabarka dambe ee Xiga wadada Aada Ar-Portka ee Hoteel Saxafi.

Wariyayaal ka tirsan Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo tagay meesha wax ka dhaceen ayaa sheegaya in Qaraxa 1aad uu  ka dhacay inta u dhexeysa Irdaha hore ee CID iyo Hoteel Saxafi, halka Qaraxa 2aad uu ka dhacay Irid Hoteelka Saxafi uu ku leeyahay dhabarkiisa dambe ee wadada Aada Air-Portka Adan Cade, sidoo kale Qaraxa 3aad oo loo maleynayo in uu fuliyay Nin isku soo xiray walxaha Qarxo uu mar kale ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Saxafi .

Saxafiyiinta  Shabelle ee tagaay halka  wax ka dhaceen tilmaamay  in Indhahooda ay qabteen Meydad iyo dhaawacyo u badan Rayid oo daadsan hareeraha Wadada hor Marta Xarunta CID iyo Hoteel Saxafi.

Meydadka ayey sheegeen in qaarkood saarnaayeen Gaadiidka Dadweynaha oo isugu jiray Gawaarida Homey-da , kuwa Raaxada iyo Mootooyinka Nuuca Bajaajta oo wadadaasi marayay.

Tirda dhimashada Wariyayaasheenu Arkeen ayey ku qiyaaseen ku dhawaad  20 qof  iyagoo intaas ku daray in ay Arkeen Hilbo Dad oo Cad Cad meelo kala duwan daadsan oo aan la kala garan Karin , Dumar iyo Rag waxa ay yihiin.

Shabelle ayaa waxaa u suura gashay in ay Wareystaan Dad Qaraxyada kadib ka wada goobaha la weeraray Gurmad deg deg ah , kuwaas uu ka mid yahay Samafale ka tirsan AMIIN Ambulance iyo qof  kale oo Goob jooge ahaa kuwaas oo ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo Meydadka iyo dhaawacyada u suura gashay in goobahaasi ka daad gureeyaan.

Cod

Sidoo kale Qaraxyadaasi kadib ayaa meelaha ay wax ka dhaceen waxaa kormeer ku tagay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Engineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow , Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, iyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Mr Tuulax kuwaas oo ka gaabsaday in wax war ah ay siiyaan Qalabka Warbaahinta.

 

Dhincooda Xarakada Al Shabaab ayaa Masuuliyadda Weeraradaasi ku sheegtay Baraha ay ku leeyihiin Internetka iyagoo tilmaamay in dagaalyahanadooda qaraxyada kadib ay gudaha ugu daateen Hoteelka Saxafi , islamarkaan ay ku dileen Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo aysan Magac dhawin ama tiro ahaan aysan cayimin.

Balse Wariyayaasha ayaa waxa ay arkayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaran Dusha Sare ee Hoteel Saxafi Qaraxyada kadib.

Indhawaanahaan waa Qaraxii ugu xooganaa ugu Khasaaraha badnaa oo lagu soo beegay xilli Dowladda iyo qeybaha Bulshada ay aad ugu Mashquulsan yihiin Siyaasadda Cakiran ee ka taagan dowlad deegaanada ama maamul Goboleedyada oo ay ka socdaan Isbedello Siyaasadeed