Ceelwaaaq ( Sh.M.Network):-Guddoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq Sahal Macallin Adan oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Degmadaasi.

Mudane Sahal Macallin Adan Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelwaaq ayaa xusay in  duqeymahaasi ay sababeen Khasaaro lixaad leh oo soo gaaray shacabka degmadaasi Ceelwaaq.

Waxa uu xusay Guddoomiye ku xigeenka in ugu yaraan 2 qof ay ku geeriyoodeen duqeymahaas, 7 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo lagu kala dabiibayo Isbitaallo ku kala yaal Magaalooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Weli Macadda Heybta diyaaradahaasi oo maalmihii u dambeeyay duqeymo ba’an ka geysanayay  Gobolka Gedo..