Buuhoodle (Sh M Network)—Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Dagaal Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Khaatumo.

Ugu yaraan 10 Ruux ayaa ku dhintay, 50 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Khaatumo oo u abaabulnaa qaab qabiil ay ku dirireen Magaalada Buuhoodle.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Dagaalkaasi ayaa Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxaa u xaqiijiyay Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Maamulka Khaatumo, Cabdirisaaq Maxamed.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Maamulka Khaatumo uu ku guuleystay kala qaadista Ciidamadii ku dirirsanaa Magaalada Buuhoodle.

Weli lama shaacin sababta dhabta ah ee ka dambeysa dirirta dhexmartay Ciidamada Maamulka Khaatumo.

Dadkii ku dhaawacamay Dagaalka ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Magaalada Buuhoodle, si halkaasi loogu daboobi.

Xaalad guud ee Magaalada Buuhoodle ayaa ah Caawa mid deggan, inkastoo Dagaalkii ka dhacay Saaka Magaalada uu khasaaro badan gaarsiiyay qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.