Maxamed Aweys Muudeey “Boqorka Bartamaha ” oo mudo 4 sano ah ku xirna dalka Itoobiya ayaa dib u helay xuriyadiisa.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleystay in xabsiga kasii dayso wariyan oo ugu xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa eedaymo la xiriira falal aggagaxiso.

Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha oo ah Weriye rug cadaa ah ayaa dowladda Itoobiya ku xukuntay 27 sano oo xarig ah.

Dowladihii hore ee soo maray dalka ayaanan ku guuleysan in Muwaadinkan Soomaaliyeed ay kasii daayaan Xabsiga, iyadoo uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay Itoobiya.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maxaabiis badan kasoo daysay dalka Itoobiya kadib markii ay heshiis la gashay dowladda Itoobiya.