Muqdisho ( Sh. M. Netweork )-Allaha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Cabdullaahi Cismaan Macalin oo ka tirsanaa Wariyayaasha ka howlgala Gobolka Hiiraan, kaas oo ka mid ahaa wariyayaal ku dhaawacmay Qarax Ismiidaamin ahaa oo dhawaan ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Wariyaha oo dhaawac halis ah weerarkaas ka soo gaaray ayaa Caafimaad ahaan muddooyinkii dambe loogu dabiibayay Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, kadib markii la sheegay in Maskaxda uu firir ka galay.

Agaasimaha Telefishinka Jubbaland xaruntiisa Muqdisho Xasan Maxamed Aweys oo uu ka tirsanaa Wariyahaas  ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle Geerida Wariye Cabdullaahi Cismaan Macallin, xilli xaaladda Wariyahaas ay maalmihii dambe aad u liidatay.

Mar uu ka hadlayay waxa uu ka yaqaanay Wariyaha Geeriyooday  Agaasimaha Tv-ga Jubbaland qeybtiisa Muqdisho ayuu sheegay in uu ahaa Marxuumka shaqsi howlkar ah, islamarkaana uu ifka kaga tagay Xaas iyo Gabar ay u dhashay.

10-kii Bishaan ayey ahayd markii Qarax ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof tiro kale oo  Wariyayaal ay ka mid ahaayeenna ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay ilinka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne.

Innaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.