Baardheere ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in baqanimadii maanta isku day dil uu ka badbaaday Yaxye C/risaaq Soofe oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Baardheere ee gobolkaasi.

Wariye Soofe oo ku sugnaa bartamaha magaalada ayaa la sheegay in rasaas xoogan uu furay mid ka mid ah askarta Ciidamada Jubbaland, inkastoo aysan waxyeelo ka soo gaarin rasaastaasi.

Yaxye C/risaaq Soofe oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, waxaana uu sheegay in Askariga rasaasta ku furay aymurmeen 6 bilood ka hor, islamarkaana uu ugu hanjabay in uu dili doono.

Askarigii ka dambeeyay falkan ayaa lagu soo warramayaa in lagu xiray gudaha magaalada Baardheere gobolka Gedo.

Wariye Yaxye C/risaaq Soofe ayaa ah Tafaftirah Radio Markabley iyo sidoo kale Wakiilka Television-ka RTN ee gobolkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.