Muqdisho ( Sh. M. Network )-Degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamarjajab ee gobolka Banaadir ayaa caawa ku baratami doona tartan aqoonedka faca weyn ee  Shabelle.

Labada degmo ayaa caawa isku arki doona kulanka ugu dambeeya ee wareega Sama-Final-ka tartanka.

Warta Nabadda iyo Xamarjajab degmada badisa ayaa fariisan doonta wareega Final-ka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale degmada laga guuleysta ayaa iyana u tartami doonta kaalinta 3-aad ee tartanka.

Degmada Cabdicasiis ayaa xalay iska sii xaadirisay wareega ugu dambeeya ee tartanka, kadib markii ay afka ciida u dirtay dhiggeeda degmada Boondheere ee G/ Banaadir.

La’arki doonee caawa degmada soo baxda Warta Nabadda iyo Xamarjajab oo horay guulo uga soo gaaray tartankani.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Jaamacadda Jobkey, halka Su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondary School.