Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dalbatay shacabka ku dhaqan M/ Muqdisho in ay kala shaqeeyaan Sugida ammaanka.

Afhayeenka Wasaaraddaasi Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in ka shaqeynta nabad galyada ay muhiimad gaar ah u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaana uu intaasi ku daray in loo baahan in shacabka iyo Ciidamada ammaanku ay wada shaqeeyaan, si looga hortago falalka ammaana dari ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.