Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdicasiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” ayaa si kulul uga hadlay qaraxyada iyo dilalkii qorsheysnaa ee maalmihii dambe ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa xusay in falalka liddi ku ah ammaanka Gobolka Banaadir laga soo abaabulo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Laamaha Ammaanka ee Dowladd , si looga hortago dhibaatooyinkaasi amni darro.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay dusha u riteen Al Shabaab.