Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Wasaaradda Amniga XFS Cabdicasiis Cali Ibraahim ( Xildhibaan ) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dhawaq loo maleenayay in ay ahaayen Madaafiic oo Xalay laga maqlay gudaha magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa xusay in waxyaabo loo soo ekeysiiyay Madaafiic lagu weeraray xaafado ka mid ah degmooyinka Wardhiigley, Howlwadaag, Hodan, Waabari, Xamarweyne, Xamarjajab iyo Wadajir.

Waxaana Afhayeenku uu tilmaamay in waxyaabahaasi qaraxa loo soo ekeysiiyay ay ahaayeen Baca lagu soo shubay Baaruud, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.