Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Wasaaradda Amniga XFS Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada ammaanka ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in howlgalladu ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda, waxaana uu tilmaamay in laga sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in baaritanaadu ay sii socon doonaan, isagoona carabka ku dhuftay in howlgalladii u dambeeyay ay ku soo dhamaadeen si guul ah.

Waxaana ugu baaqay shacabka ku dhaqan guud ahaan magaalada Muqdisho in ay la shaqeeeyaan Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.