Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Amniga XFS ayaa faah faahin ka bixisay qarax Bamba Gacmeed oo xalay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Wasaaraddaasi Cabdicasiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay nawaaxiga Dugsiga Farsamada ee degmadaasi Hodan.

Waxaana uu tilmaamay in uu ku Geeriyooday qaraxaasi Nin la sheegay in uu garaacayay Bambadaasi, kuna dhaawacmeen 3 kale.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa xusay in weli Laamaha Ammaanku ay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan qaraxaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.