Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xuseen Cabdi Cilmi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in howlwadeenada guud ahaan Wasaaradaha XFS ay u furayaan tababar kor loogu qaadayo wacyi galinta Dastuurka, si loo gaarsiiyo bulshada inteeda kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka ayaa xusay in ay dadaal ku bixin doonaan arrimaha wacyi galinta ee dib u eegista Dastuurka dalka.

Waxaana sidoo kale uu intaasi ku daray in ay ka marneen maamul goboleedyada ka jira dalka, oo uu xusay in la gaarsiin doono  tababaradaasi.

Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u dhameystiri laheyd dib u eegista Dastuurka, iyadoo wadatashiyo kala sameyneyso qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.