Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cismaan Maxamed Cabdi “Daallo” ayaa sheegay in ay Muhiim tahay xilligaan in laga faa’ideysto Kheyraadka Badda.

Waxaana uu tilmaamay in looga baahan yahay Jiilka soo koraya haatan in ay bartaan Culuumta Badaha  iyo sida looga faa’ideysto, taas oo uu sheegay in ay tahay mida kaliya ee looga hortago Xaalufinta Kheyraadka dalka.

Waxaana uu xusay in ay ka gacansiinayaan ka Wasaarad ahaan in ay fududeeyaan wax weliba ay u baahan yihiin Ummadda Soomaaliyeed ee ka faa’ideysanaya Kheyraadka Badda iyo kuwa haatan ku howlan in ay bartaan.

Hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cismaan Maxamed Cabdi “Daallo” ayaa imaanaya, iyadoo bulsho weynta Soomaaliyeed ay u muuqdaan kuwa ka indha saaban Kheyraadka Ceegaaga Baddeena, islamarkaana ay hunguriyeynayaan Dowlado shisheeye qeybo ka mid ah Badda , taas oo muran la xiriira Kiis ku aadan uu haatan ka furan yahay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ.