Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo Manhajkii Waxbarasho ee dalka, Kaasi oo ku qoran Afka Soomaaliga.

Waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in kor loo qaado Barashada Afka Hooyo ee Soomaaliga.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaaan ayaa hoosta ka xariiqay in mustaqabalka dhow aan la ogolaan in Manaahijta kale wax lagu baro Ardayda Soomaaliyeed.

Hadalkan ayuu ka jeediyay Wasiirka Waxbarashada, xilli shalay uu Kormeeray qaar ka mid Iskuullada ku yaalla Magaalada Muqdisho.