Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale “Beyle” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sharaxaad ka bixiyay shir uu kaga soo qeyb galay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kaas oo looga hadlay Deymaha faraha badan ee lagu leeyahay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in shirkaasi uu u dhaxeeyay Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF iyo Soomaaliya, islamarkaana ay ka wada hadleen sidii loo Cafin lahaa Deymahaasi iyo Heshiisyo ku aadan sidii loo hormarin lahaa Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Ducaale “Beyle” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in gabagabada Shirkaasi uu ku soo dhamaaday Guul iyo Natiijo waxtar u leh Soomaaliya.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay dadaal badan kadib Dowladda Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa, islamarkaana haatan ay meel wanaagsan marayaan arrimaha la xariira sidii looga Cafin lahaa Deymaha.

Soomaaliya oo in ka badan 25 Sano ku jirtay burbur ayaa hadda ka soo kabaneyso, waxaana Dowladda Soomaaliya ay hormar ka sameyneysaa Dhinacyada Dhaqaalaha, dib u dhiska Dalka, Cafimaadka, Waxbarashada iyo kuwa kale.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.