Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka feejigan tahay mar walibo in la masuqmaasuqo Dakhliga ka soo xarooda ilaha dhaqaale ee dalka.

Wasiir Beyle ayaa shaaca ka qaaday in si aad ah loo socda dhaqaalaha ka soo xarooda ilahaasi, gaar haan Garoonka iyo Dekedda weyn ee Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in DFS ay ku guuleysatay in laga hortago masuqmaasuq la sheegay in uu ka dhex jiray maamulka Maaliyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay wado qorshihii ugu dambeeyay ee lagu mideynayo guud ahaan canshuuraha dalka.