Muqdisho ( Sh. M. Nrtwork )-Xilli dhawaan ay soo baxayeen warar sheegaya in Al Shabaab ay mamnuuceen in lagu Ciyaaro Garoomada Kubadda Cagta ee yaalla qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa arrimahaasi waxaa ka hadlay Xukuumaadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Al Shabaab aysan awood u lahay in ay joojiyaan Ciyaaraha Kubadda Cagta ee ka socda magaalada Muqdisho.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale hoosta ka xaqriiqday in la dar dar galinayo siyaasada Qaran Ciyaarha ee Sanadda 2018-ka.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.