Boosaaso ( Sh. M. Network )-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi Xiri Cali “Qarjab” ayaa maanta si kulul uga hadlay weerarkii dhawaan Ciidamada Soomaaliland ay ku qabsadeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxaana uu sheegay in Puntland ay qaadi doonto tallaabo deg deg ah oo laga jawaabayo weerarkaasi.

Wasiir Qarjab ayaa hoosta ka xariiqday in ay soo cusboonaatay Jabhaddii SNM, oo uu xusay in ay la wareeegtay deegaanka Tukaraq, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.