Cadaado (Sh. M. Network)-Iyadoo dhawaan Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xabsi ku yaala deegaanada Maamulka Galmudug ay kala baxeen shaqsi u xirnaa Maamulka ayaa arrintaas waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taar Dhuleed.

Wasiirka ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda Nabad Sugida in shaqsigii dhawaan ay kala baxeen Xabsi ku yaala deegaanada Maamulka Galmudug ay gacantooda dib ugu soo celiyaan.

Sidookale Wasiir Taar dhuleed ayaa xusay  in hadii dalabkooda aan laga soo jawaabin ay Xiriirka u jari doonaan Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca\kale Wasiirka Amniga Galmudug ayaa ka hadlay dhacdadii deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose , isagoo tacsi u diray Eheladii dadkii ku dhintay dhacdadaas, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay falkaas.

Waxaana uu ugu baaqay Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya in Cadaaladda ay horgeyso dadkii ka dambeeyay wax uu ku tilmaamay Xasuuqaasi.

Galmudug ayaa horay ugu eedeysay shaqsigaan ay tilmaamtay in Xabsigeeda lagala baxay uu dhibaatooyin Amni ka geystay deegaanadeeda, mana jirto wax war ah oo arrintaan ay ka soo saareen Hay’adaha Ammaanka dowladda Dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Nabad Sugida oo lagu eedeeyay in iminka ay gacanta ku hayaan shaqsigaasi.