Muqdisho ( Sh.M.Network):-Wasiirka Xiriirka  Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Galmudug Mudane Maxamuud Cabdulllaahi Wehliye Waqaa oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii dhawaan Dalka Jabuuti ay ku kala Saxiixdeen Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaca.

Mudane Waqaa ayaa hoosta ka xariiqay in Heshiiskaas uu dan u yahay dhammaan Bulsha weynta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Maamulka Galmudug.

Waxaana uu Cadeeyay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu Xikmaddiisa iyo Caqligiisa isugu geeyay sidii wadahadal loola furi lahaa Ahlusunna Waljamaaca.

Ugu dambeyn Wasiir  Waqaa ayaa ugu baaqay Shacabka Galmudug ka soo jeeda ee ku kala sugan Dal iyo Dibad in ay taageeraan heshiiskaasi islamarkaana ay kala shaqeeyaan Maamulka Galmudug Midnimada dhammaan deegaanada Maamulkaasi.