Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankii 13-aad oo qeyb ka ah Kal-fadhiga afaraad ee Golahaasi.

Kulanka waxaa soo xaadiray 156 Xildhibaan, waxaana shir guddoomiyay Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ugu horreyn waxaa lagu dhaariyay kulanka wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo dhawaan lagu soo doortay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kana mid noqday xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Intaasi kadib Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in uu raali gelin ka bixiyo hadal dhawaan Golaha uu ka hor sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim, kaas oo ay si weyn uga xumaadeen bulshada ku hadasha Lahjadda Maayga.

Maxamuud Xayir Ibraahim wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda ayaa qabalay codsigaasi, raali gelina ka bixiyay hadalkaasi.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Isaaq Fanax ayaa sheegay in uu aqblay raali gelinta uu bixiyay wasiiru dowlaha wasaaradda, kana dalbaday bulshada kale in ay aqblaan.

Sidoo kale xubnaha Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta dhageystay warbixinta xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee 2017-kii.

Waxaana Xildhibaanada faah faahin ka siiyay xisaab xirka Miisaaniyaddaasi wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku wareejiyay warbixinta xisaab xirka Miisaaniyadda 2017-kii guddiga Maaliyadda iyo Miisaanadda ee BFS, isagoona u mahadceliyay xubnihii ka socday wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.