Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaaradda Dastuurka ee XFS C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in degmooyinka G/ Banaadir ay ka bilaabi doonaan kulamo shacabka Muqdisho looga talagalinayo dib u eegista Dastuurka.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ay aragti ka dhiibtaan hanaanka dib u eegista Dastuurka oo hadda maraya meel wanaagsan.

Waxaana uu tilmaamay in Wasaaraddiisu ay ka go’an tahay dhameystirka Dastuurka dalka.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.