Muqdisho (Sh M Network)—Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa sheegay in xukuumada ahmiyada koowaad ay siineyso ciribtirka musuq maasuqa.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay ka go’an tahay la dagaalanka musuq maasuqa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka codsatay hanto dhowraha guud ee Xafiiska dhawaan la wareegay, Maxamed Maxamuud Cali, in uu la yimaado qorsheyaal lagu horumarinayo Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiirka Warfaafinta waxuu sheegay in Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay gacan ka siin doonaan Xafiiska Haanti Dhowrka Guud ee Qaranka sidii loo cirib tiri la haa musuq maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tiro dhowr jeer ah ku celceliyay in ay uu xoojinayo la dagaalanka musuq maasuqa, maadaama buu yiri musuqa uu hoos u dhigay sharafka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.