Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga, Hulusi Akar ayaa galabnimadda maanta oo Arbaco ah waxay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Difaaca Soomaliya iyo xubno kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale waxay si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Wafdiga ayaa soo dhawaynta kadib  loo galbiyay gudaha magaalada gaar ahaan Madaxtooyadda halkaasi oo la filayo inay kulan kulan yeeshaan madaxda dalka, si ay uga wada hadlaan arrimo badan.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka taageerada joogtada ah la garab-taagan Soomaaliya, xili ay Muqdisho ka dhiseen sanadkii hore Saldhiga ugu wayn oo ay ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda, kaasi oo lagu tababaro ciidamo Soomaaliyeed ah.