Muqdisho (Sh. M. Network)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shir ay soo qaban qaabisay Wasaaraddiisa , kaas oo ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Xisaabiyayaasha Xafiisyada Guud.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo Madasha Shirka ka hadlay ayaa sheegay in 9 Wasaaradood ay ka qeyb galayaan Shirkaasi, loogana hadlayo Hanaanka Hagaajinta Maaliyadda.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in Isku filnaasho ay gaarto dowladda, iyadoo laga maarmayo Taakuleynta Beesha Caalamka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa horay shirar kala duwan u qabatay, kuwaas oo qaarkood ay ka qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda ee dowlad Goboleedyada Dalka.

Waxaana shirkaan uu u muuqdaa mid qeyb ka noqonaya dadaallada dowladdu ay kula dagaalameyso Musuqmaasuqa , oo horay ay u sheegtay in ay dooneyso in gebi ahaan ay meesha ka saarto.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:-