San Diego (Sh. M. Network)-Waxaa xalay Dalka Mareykanka ku Geeriyooday Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliy Cabdiraxman Jaamac Barre, oo maalmahaan danbe ku xanuunsanayay Dalkaasi.

Marxuumka oo da’diisu aheyd 79 Sano jir ayaa xilal kala duwan waxa uu ka soo qabtay dowladii Kacaanka, iyadoo ay xaqiijiyeen Geerida Ku timid wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda qaar ka mid ah Ehaladiisa oo ku sugan Mareykanka.

Waxaana uu ifka uga tagay 15 caruur ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.