Cadaado ( Sh. M. Network )-Waxgarad iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa dadaalo Nabadeed ka wada Gobolka Galgaduud ee bartamada Soomaaliya.

Waxaana kulamo ku aadan xal ka gaarida xiisadaha ka taagan Gobolkaasi ay ka wadaan Degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Iadaacadda Shabelle ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan wada hadallo u dhexeeya Beelo Walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay Gobolkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.