Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxa ay uga hadleen khilaafka xoogan ee u dhexeeya madaxda dowladda Dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Ugu horreyn Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan sax aheyn in madaxda maamul goboleedyadu ay diidaan in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, kuna tilmaamaan in aysan aheyn meel nabad galyo ah.

Nabadoon Xaad ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan aan loo baahneyn is qab-qabsi siyaasadeed oo uu tilmaamay in uu dib u dhigi karo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka kulanka ka qeyb galay ayaa ku baaqay in dowlado shisheeye aysan faragalin dadaallada haatan lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in ay diyaar yhihiin waxgaradka Soomaaliyeed, haddii loo baahdo, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan xalinta khilaafkaasi.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, iyadoona ay jiraan dadaalle looga hortago khilaafkaasi oo ay wadaan Xildhibaanada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya.