Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wafdi Odayaal Dhaqameed ah oo ka Tirsan Isimada Maamulka Puntland oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa shir Jaraa’id oo ay u qabteen Warbaahinta waxa ay ku faah faahiyeen go’aano ay sheegeen in ay gaareen Madaxda Puntland, kuwaas oo ay ku tilmaameen in lagu Carqaladeynayo Nidaamka dowlad Goboleedyada.

Waxaana ay shaaca ka qaadeen in madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” uu heshiis gaar ah la galay Shirkad lagu Magacaabo DP World oo fadhigeedu yahay Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, taasina waxa ay ku sheegeen in ay tahay mid lagu iibinayo Hantida Deegaanada Maamulkaasi Puntland.

Suldaan Cabdicasiis Afgaduud oo ka mid ah Odayaashii Goobta ka hadlay ayaa sheegay in aysan marna ogalaan doonin Shacabka Puntland in Hub iyo Awood loogu taliyo, waxaana uu tilmaamay in mar weliba ay diyaar u yihiin in go’aamada Masiiriga ah ee deegaanada Puntland ay uga dambeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaana uu wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweyne Gaas uu gaaro go’aamo looga baahanyahay dowladda federaalka ah.

Dhawaan ayey ahayd makii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “Gaas” uu dhinac maray go’aankii dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka Wadamada Khaliijka, isagoona taageeray Xulufada uu hoggaaminayo Sacuudiga.