Afgooye ( Sh. M. Nerwork )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar Madaafiic ah oo Xalay ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana la sheegay in Al Shabaab Xalay Saqdii Dhexe weerar Hoobiyeyaal ah ay ku qaadeen fariisin Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic.

Lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo ahaa mid xoogan.

Maanmulka gobolka Sh/ Hoose oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkaasi.

Man jirto weli wax hadal ay oo ka soo baxay labada dhinac ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahay weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro xoogan ka fuliya Shabeelaha Hoose oo ay weli gacanta ku hayaan deegaano ka tirsan gobolkaasi.