Mandera ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka magaalada Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Cali Roba oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka maamulkaasi 5-tii Sano ee la soo dhaafay ayaa sheegay in weeraradii Al Shabaab ay ka fulinayeen deegaanad Mandera ay cuuryaamiyeen horumar bulsho oo ka hana qaada halkaasi.

Mr Roba ayaa xusay in Xarakada Al Shabaab ay weeraro gaaraya illaa iyo 209 ay ka geysteen gobolka Waqooyi Bari, 5 tii ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay dhaqaalo badan ku bixiyeen Ciidamada Booliska Kenya iyo howlgallada Roondooyinka oo ay uga hortagayeen weeraradaasi.

Waxaana uu tilmaamay in aad uga xun yihiin dhibaatooyinka xoogan ee weli ka jira deegaanada Mandera.

Al Shabaab ayaa maalmihii dambe kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kneya, iyagoo beegsada xarumaha Ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha dalkaasi.