Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wiilkan dhalinyarada ahaa oo da’diisa lagu qiyaasay 30 jir ayaa isaga oo is daldalay saakay Meydkiisa lagu arkay Guri u ka daganaa Kaamka Dayax oo ku yaalla waaxda koowaad degmada Kaxda ee gobolkan Banaadir.

Marxuumka is dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Macalin Siidii, waxaana la sheegay in xarig uu isku Ceejiyay.

Ismaaciil Xuseen Ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Marxuumka uu isku dilay Jaceyl dartiis.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.