Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil wiil dhalinyaro ahaa saacadihii loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Marxuumka la dilay ayaa la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xaamud C/laahi Warsame, kaas oo si weyn looga yaqiinay waqooyiga magaaladaasi.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Gaari uu watay Marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa lagu soo warramayaa in ay gareen goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo durbo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaasi ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Inta badan dilal qorsheysan ayaa ka dhaca gudaha Gaalkacyo, kuwaas oo loo geysto qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee u dhaqan magaaladaasi.