Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay Saqdii Dhexe ka dhacay gudaha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Dilkan oo loo adeegsaday Mindi ayaa la sheegay in loo geystay Marxuum Xasan Cali, iyadoona uu ka dambeeyay Wiil walaalkiis ah, sida la sheegay, kaas oo lagu magacaabo C/laahi Cali.

Lama oga sababaha ka dambeeya dilkaasi, hase’ahaatee waxaa la sheegay in dhawaan C/laahi Cali oo ka dambeeyay dilkaasi uu ka yimid Qurbaha.

Guddoomiyaha waaxda Xaawo-Taako ee degmada Howlwadaag Axmed Xasan Ismaaciil oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdadaasi.

Waxaana uu sheegay in Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen shaqsigii ka dambeeyay dilkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.