Bariire  ( Sh. M. Network)-Xaalad degenaasho oo aan caga badan ku taagneyn  ayaa laga dareemayaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda , kuwa AMISOM iyo Al Shabaab.

Waxaana lagu soo warramayaa in Ciidanka dowladda ay deegaankaasi ka sameysteen Saldhigyo Ciidan labada Jiho ee laga soo galo deegaankaasi Bariire.

Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koofur Galbeed Cabdirisaaq Aadan Cabdi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay la wareegista deegaanka Bariire, dowladda dhexe iyo Maamulka Koofur Galbeed.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koofur Galbeed  ayaa carabka ku adkeeyay in Ciidamada aysan dib uga soo bixi doonin halkaas islamarkaana ay ku tala jiraan in ay isku sii ballaariyaan deegaanada kale ee Al Shabaab ay maamulaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa horay ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, walow xilligaas ay dib uga soo baxeen, waxaana u suura gashay in shalay mar kale ay gacanta ugu dhigaan deegaankaasi.