Gaalkacyo ( Sh. M. Ntwork )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaarigiisa loogu xiray guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland Faarax Cabdi “Gaafaa” kaasi oo ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo u yahay mid fudud, islamarkaana haatan lagu daaweynayo Isbiltaalka Dhega Cadde ee Magaaladaasi Gaalkacyo.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa tan iyo xalay howlgallo ballaaran ka waday xaafado ka tirsan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana saraakiisa ammaanku ay sheegeen in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi, islamarkaana ay cadaalada hor keeni doonaan shaqsidyaadkii ka dambeeyay falkaasi.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha ka sii baxayay, iyadoona ciidamada Puntland ay howlgallo ka wadeen maalmihii la soo dhaafay waqooyiga Magaaladaasi.