Tukaraq ( Sh. M. Network )-Waxaa saakay dagan xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii Shalay iyo Xalay ay ku dagaalameen maamullada S/land iyo Puntland.

Xaalad deganaansho ah oo aan cago badan ku taagneyn ayaa lagu soo warramayaa in ay ka taagan tahay gudaha deegaankaasi.

Welina waxaa halkaasi isku hor fadhiya Ciidamo kala taabacsan maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale Siyaasiga Daahir Cirro oo ka mid siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ka hadlay xiisadaasi ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaallada ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxaana uu sheegay in looga baahan yahay dhinacyada isku haya halkaasi in ay si shuraad la’aan ah ku joojiyaan dagaalladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.