Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee m/ Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii Magacabiista mas’uuliyiinta cusub ee Maamulka gobolka Banaadir.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in Madaxda Dowladdu ay xaq u leeyihiin in ay xilal magacaabaan, islamarkaana ciddii ay u arkaan in ay aysan ka soo bixi karin howsha loo igmaday ay xilka qaadis ku sameyn karaan.

Sidaas daraateed ayuu ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay is dajiyaan, islamarkaana ay taageeraan hanaanka shuruucda dalka.

Dhinaca kale mar aan wax ka weydiinay guddoomiyihii hore ee Maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur arrinta Maqaamka Muqdisho ayuu hoosta ka xariiqay in go’aan ka gaarirsta Maqaamka Caasimadda ay u taallo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ayasan jirin cid ay si gaar ah masuuliyad uga saaran tahay.

Madaweynaha Soomaaliya ayaa Wareegta ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu kala diray mas’uuliyintii hore ee g/ Banaadir, iyadoona xubno cusub loo Magacaabay xillalkaas.